MAAN HADDEER CESHANNO BIYAHA KU QULQULAYA BADDA IYO WABIYADA, INTAAN CID KALE KA SUGI LAHAYN CAAWIN?

Tiigso.com May 2, 2017 0
MAAN HADDEER CESHANNO BIYAHA KU QULQULAYA BADDA IYO WABIYADA, INTAAN CID KALE KA SUGI LAHAYN CAAWIN?

[ A+ ] /[ A- ]

Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa, wixii ad barataa waa baaskaa. Dadkii u barta in laga caawiyo wax ay iyagu qabsan karaan, waligood caawin bay sugtaan oo wax ma qabsadaan. Runtii, waa arrin innaga Soomaali ah toos inoo khusaysa.
Ilaah wuxuu ina siiyey caqli an ku fakarro iyo awoodo kala duwan oo an ku qabsanno wixii dan inoo ah isagana difaacno wixii dhib inoo ah.

Dhibaatooyinka waaweyn oo ka jira dalkeenna waxaa ka mid ah biyo la’aan iyo oon ay u dhintaan dad iyo duunyo badani. Waxaa jirta abaar soo noq-noqota. Haddii Allaah inoo shubo raxmaddiisa, soow inaan ka faa’iideysanno oo kayd kala harro maaha? Ma hay’ado iyo dalal kale un-baynnu waligeen ka sugeynnaa caawin?
Sooaaliyeey, cirkii wali waa da’ayaan ee ha loo koco in la sameeyo harooyin iyo biyo-xireennowaaweyn oo loo aayo xilliga roob-l a’aanta – jiilaalka.

Midda kale, dalkeennu sida la ogyahay waa saxaare-u-yaal. Macnaha ma u helo roobab badan, sida (tusaale ahaan) Kenya iyo Ethopia iyo dalal kale. Maadaama aynaan roobab dadan helin oo xataa marar sannado la waayo roobka, waxaa lagama-maarmaan inoo ah inaynnu ku dedaallo sidaynnu biyo inaku filan u heli lahayn, ha ahaadeen kuwo annu kaydsanno, baddoo an sifaysanno ama dhulkoo an daloolinno.
Waa dhul biyo kaliya u baahan oo ay wax waliba ka bixi karaan. Nasiib darro, xataa cunto nagu filan kalama soo baxno, biyo la’aan darteed.

Gunaanad. Madaxda iyo hoggaanka Soomaalida, dadka dhaqaalaha leh iyo aqoonyahanka waxaa waajib ku ah inay ka kacaan fadhiga kana wadashaqeeyaan sidii Soomaaliya looga haqabtiri lahaa xagga biyaha.

Reeb jawaab »