CULAYSYADA UGU WAAWEYN OO HORYAAL MADAXWEYNAHA CUSUB

Tiigso.com February 16, 2017 0
CULAYSYADA UGU WAAWEYN OO HORYAAL MADAXWEYNAHA CUSUB

[ A+ ] /[ A- ]

Madaxweynaha cusub oo Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 08-02-2017kii noqday madaxweyne ayaa waxaa horyaal culaysyo badan oo kala duwan. Saddexda ugu waaweyn culaysyada waa:

1. Xulashada Madaxa dowladda cusub.
– waa inuu noqdo mid an dhimin sumcadda iyo hanka u dadweynuhu u hayo Madaxweyne Farmaajo;
– waa inuu noqdo mid leh aqoon sare iyo waaya’aragnimo shaqo guud ahaan, gaar ahaan waa inuu yahay qof ah soomaali-yaqaan;
– waa inuu yahay qof qancin kara ama soo jiidan kara dhammaan qaybaha kala duwan oo ay shaqadiisu saamayso,
siiba qaybaha u dalku ka kooban yahay, beelaha Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda iwm.

2. Sugidda amniga dalka.
– waa in la dhiso ciidan amniga sugi kara oo qaran, kaasoo si miisaaman uga kala yimid gobollada iyo
degmooyinka dalka oo dhan;
– labo qaybood ayaa muhiim ah ama lagama-maarmaan ah in si weyn loo hubiyo, marka la dhisayo ciidan qaran oo
sugi kara amniga. a) waa in la helo saraakiil hufan oo aqoon fiican u leh xirfadaha kala duwan oo ciidan iyo
muhimadaha la xiriira, b) waa in la qoro ciidan badan oo dhallinyaro ah, kuwaasoo guud ahaan laga qaadanayo
labo meelood “miyiga” iyo “arday ka baxday dugsiga dhexe, sare, jaamacad”.
3. – waa in la helo hab wax looga qabto musuqmaasuqa, laaluushka. Waana in la helo habab sahlan oo togan oo
loo qaado waxa loo yaqaan “canshuur”, magacaas oo loo baahan yahay in lagu beddelo magac leh micne fiican
iyo soojiidasho, sida “adeeg” iwm. Dhaqaale iyo khayraad waa leeyahay dalkeennu ee sidee loo xafidaa?

Ha ku guulaysto Farmaajo hankiisa wanaahsan oo waddaninimo

Reeb jawaab »