CAYDA, GOONI U FAQUUQA REER MUDUG & REER GAALKACYOOD NINBA SI KU AH

Tiigso.com October 19, 2016 0
CAYDA, GOONI U FAQUUQA REER MUDUG & REER GAALKACYOOD NINBA SI KU AH

[ A+ ] /[ A- ]

Reer Mudug waa qayb ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo leh xuquuq iyo waajibaad, sida muwaaddiniinta kale oo dalka. Intaan gobollada Soomaaliya la badin gobolka Galguduud iyo degmeda Buurtinle Mudug bay ka tirsanaayeen.Mudug/Gaalkacyo shacabkoodu uma baahna cay, dacaayad an sal lahayn iyo gooni u faquuq siyaasadaysan, siduu ku caan baxay xukunkii millatari oo boobay talada dalka 21-10-1969.

Nasiibdarro, kacaankii dad badan buu ku dhiirriyey afkana ugu tiray cayda Mudug/Gaalkacyo, iyo waliba ku eedaynta dhibaato kasta oo ka dhacda Soomaaliya! Taasi waxay keentay in dad badan oo an aqoon taariikhda iyo xaalka dhabta ah oo Gaalkacyo isaga guda-dhacaan dhalliisheeda, taasoo noqonaysa ka hiillin kas ama kamma’a ah. Waa wixii shalay deero dal ka geeyey.

Gaalkacyo waa magaalo Soomaaliyeed oo la wada dego. Taas macneheedu maaha in muran la galiyo taariikhdeeda iyo xaqiiqada ka jirta. Waana khalad xalna keenimayso isku-dir bayna noqon kartaaa, haddii la yiraahdo “war labada wadaad kala qabta (waa qiso hadda ka hor ka dhacday Mudug)”. Waa in laga hadlo taariikhda magaalada iyo xaqiiqada jirta oo ku saabsan oo dhan, waa haddii la rabo xal.

Sida magaalo kasta oo kale oo la wada dego, Gaalkacyo shacabka deggen intiisa badan baa caarad ama hoggaan ka ah ayna ka go’daa talada magaaladu, iyadoo an cidna laga duudsiyayn xuquuqdeeda derisnimo iyo muwaaddinnimo.

Tusaale:
– mar kasta oo Gaalkacyo wax laga sheego waxaa loola jeedaa ama tilmaantu dhab u qabanaysaa beesha/cidda u badan magaalada – hoggaankana u haysa,
– qofkii an xog-ogaal u ahayn faquuqii siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo u xukunkii dalka inqilaabay markiiba ku bilaabay Reer Gaalkacyood ha iska aamusto,
– sidaas darteed, arrimaha Gaalkacyo siyaasad baa ku barxane iska jir.

Su’aalo iyo talo ku wajahan qofkii ay khaladaadka Reer Mudug/Reer Gaalkacyood kaliyihi u muuqdaan:
– Dembi aadami galo xasuuq iyo barakicin baa ugu weyn ee ma ka dhici jirey walina ma ka socdaa Soomaaliya?
– Ma ka hadashay waligaa?
– Gobollada/magaalooyinka kale oo dalka maxaa ka dhacay ama ka jira?
– Shacabka/beelaha gobollada iyo magaalooyinka kale ma ku eedaysaa wixii ay sameeyaan
Mise Reer- Mudug/Gaalkacyood kaliya ayaad eedayn taqaan?

Talo: Qabanqaabi hadda shirweyneyaal si siman loogaga hadlayo dhibaatooyinka ugu waaweyn oo ka dhacay walina ka jira Soomaaliya – intaad meel gaar ah khaladaadkeeda isha ku hayn lahayd.

Reeb jawaab »