TIIGSO WAKHTIGA, YUUSAN KAA TAGINE!

Tiigso.com October 6, 2016 0
TIIGSO WAKHTIGA, YUUSAN KAA TAGINE!

[ A+ ] /[ A- ]

Qormadaan gaabani waxay siyaalo kala duwan uga hadlaysaa wakhtiga iyo siday muhiim u tahay in la dhowro oo an la dayicin.

1. Macnaha erayga ”tiigsi/ tiigso”, iyo muhimadda ku jirta.
Waxaa la tiigsadaa wixii kaa tagaya oo haddaadan tiigsann kaa tagaya. Tusaale: gaari ama diyaarad baa kaa tagaysaa. Waa inaad oroddaa ama dheeraysaa.

Wakhtigu waa shay muhiim ah waana inaad tiigsatid, si ad u gaartid oo adan uga habsaamin danahaaga, shaqadaada, ballantaada iyo ka shaqaynta mustaqbalkaaga iyo hawlaha kula gudboon oo dhan.

2. Maxaa ku dhacaya dadkii ama bulshadii an tiigsan wakhtiga?
Qofkii ama bulshadii an tiigsan wakhtiga waa habsaantaa. Hadday u bartaan oo caadaysataan inayan wakhtiga tiigsan, caadadu marka dambe dhaqan isu beddeleysaa. Markay dhaqanka gasho la iskulama yaabo lagamana xishoodo ka soo baahidda ballamaha iyo ballan-furka.

3. Tusaale:
Haddaan nahay Afrikaan, dadyowga kale oo dunidu waxay inaku tilmaamaan in tiigsi la’aanta iyo ku shaqayn la’aanta wakhtigu ka mid noqotay dhaqankeenna.

Waxay u tilmaamaan arrintaas labo siyood:
– Afrikaanka wakhtigu kama tago ee waa ku dul-wareegaa.
– Afrikaanka wakhtigu kama tago oo waa sugaa. Markii dadka oo dhammi isu yimaadana waa bilowdaa.
Su’aal: >
 Arrintaas maxaa ka jira?
 Ciddii wakhti ka tagayaa soow ma tiigsateen?
 Dibu u dhaca Afrika iyo arrintaas xiriir intee le’eg baa ka dhexeeya?

Reeb jawaab »